U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Sheegay Iney Dileen Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xarakada Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada maamulkaasi ay howlgal ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab iyo sidoo kale ciidan la socday.

Afhayeenka Ciidamada nabad sugidda Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamed (Carab) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay howlgal qorsheysan ku qaadeen gelinkii dambe ee Axadii lasoo dhaafay deegaanka Shandarmood oo ku duleedka Kismaayo ah, halkaasi oo ay ku sugnaayeen rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Afhayeen Carab in halkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab kaasi oo magaciisa uu ku sheegay Bashiir Garweyne islamarkaana uu tilmaamay inuu ahaa hogaamiyaha ciidanka Al-shabaab ee dhanka Lugta gobollada Jubbooyinka iyo Seddax askari oo Al-shabaab ka tirsan.

“Ciidanka waxay qaadeen howlgal qorsheysan waxay dileen Bashiir Garweyne oo aad loo yaqaano, kaasi oo ciidanka Lugta Shabaab hogaamin jiray, ciidamada si qorsheysan bay ku qaadeen howlgalka” ayuu yiri Afhayeenka.

Ciidamada Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab ka wadeen deegaanno badan oo ka mid ah gobollada Jubboyinka iyo Gedo.

February 18 2015, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku dhawaaqay in ay qaadi doonana dagaallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab islamarkaana ay ku qabsan doonaan dhammaan deegaannada gacantooda ka maqan.

Goobjoog News