U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Tababar Usoo Xiray Ciidamo La Sheegay Inay Ku Wajahan Yihiin J/dhexe

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa degmada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose, waxa uu tababar ugu soo xiray ciidamo badan oo ka tirsan maamulkaasi, kuwaasi oo la sheegay inay duulaan ku yihiin gobalka Jubada Dhexe.

Haybe Deeq oo ah taliyaha ciidamada Jubbaland ee degmada Dhoobley oo tababarkani usoo xiray ciidankaan ayaa sheegay in dhawaan ay weerar ku qaadi doonan degmada Bu’aale ee xarunta gobalka Jubada dhexe iyo deegaanno kale.

Waxa uu sheegay in dhawaan ciidamadaan ay noqon doonan kuwii la dagaallami lahaa Al-shabaab, sidoo kalena qaban lahaa deegaannada Jubbaland ka maqan waa sida uu hadalka u dhigaye.

”Ciidamadaan waxay qaban doonaan deegaannada gacanteena ka maqan ee gobalada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe, waxaana ka mid ah meelaha ay qabanayaan Bu’aale, Xagar iyo deegaanno kale’” ayuu yiri Taliyaha.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmahani dambe waday dadaallo xooggan oo uu ku doonayo inuu kula wareego deegaannada weli gacanta maamulkaasi ka maqan ee ay maamusho Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News