Maamulka Kahaatumo Oo Soo Dhaweeyay Doorashadii Galmudug

Maamulka Khaatumo State ayaa soo dhaweeyay Doorashadii shalay ka dhacay magaalada Cadaado ee lagu doortay madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Wasiirka Warfaafinta Maamulkaasi  Maxamed Gacmo Yare oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan doorashadaasi oo uu sheegay in ay u dhacday qaab aad u wanaagsan.

Waxa uu tilmaamay in doorashada ay ahayd mid taariikhi ah, waxaana uu ugu baaqay maamulka Ahlu-sunna in maamulkaasi ay taageeraan.

Maxamed Gacmo Yare ayaa dhinaca kale waxa uu kula dardaarmay madaxweynaha cusub ee Galmudug Cabdikariin Xuseen in uu xilka loo doortay uu u guto sidii loogu dhiibay, kana shaqeeyo horumarka iyo nabadda deegaanada uu madaxda u yahay.

Shalay ayaa magaalada Cadaado waxaa ka dhacday doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa, iyadoo Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku guuleystay xilka madaxweynaha.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW