U bood dhigaalka

Maamulka Kaxda Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Dabkii Xalay

Sheeko:Dalka

Dab xalay ka kacay Suuqa degmada Kaxda ayaa gabi ahaan baabi’iyay dukaamo ku yaallo halkaasi.

Dabka ayaa geystay khasaare hantiyadeed oo weyn waxaana la tilmaamay in Dukaamo badan oo ku yaalay Suuqa ay gubteen.

Gurmad ay sameeyeen bulshada ku dhaqan degmada Kaxda iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa mar dambe lagu guulaystay in la damiyo.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay khasaaraha uu geystay dambka.

“Khasaaraha halkaan ka dhacay waa uu weynyahay Dukaamada gubtay waxaa ay ahaayeen afar dukaan oo waa weyn, dadka dhibaatada ay soo gaartay waxaan uga tacsiyadeyneynaa khasaarihii soo gaaray “.

Ganacsatada ayaa sheegay in ay wadaan tirokoob ay ku sameynayaan hantida ku burburtay Suuqa dibna ay ka sheegi doonaan.

Goobjoog News