U bood dhigaalka

Maamulka K/galbeed: Dhowaan Waxaa Dhici Doona Isbedallo Amni

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in dhowaan isbedallo dhanka ammaanka ah ay ka dhici doonaan guud ahaan deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

Sii haya wasiirka amniga K/galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in booqashadii shalay uu ku tagay Baydhabo Madaxweyne Farmaajo ay waxbadan ka bedali doonto xaaladda guud ee deegaannada maamulkaasi.

Wuxuu sheegay in ciidamada K/galbeed ay haatan diyaar u yihiin iney weeraro ku qaadaan deegaannada ay gobollada Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose kaga sugan yihiin Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dhowaan waxaa dhici doona isbedallo amniga ah, waxaan weerar ku nahay meel walbo oo cadoga uu joogo, madaxweyne Farmaajo waan isku af garannay in muhiim ay tahay in wadooyinka la isku furo ammaankana wax laga qabto” ayuu yiri  wasiir Xasan.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli maalintii shalay ahayd uu madaxweynaha K/galbeed ka codsaday madaxweyne Farmaajo in la furo waddooyinka xiran ee deegaannada uu maamulkooda ka arrimiyo.

Goobjoog News