Maamulka Khaatumo Oo Dhaliilay Heshiiskii Dowladda Federaalka Iyo Puntland

Kulan ay isugu yimaadeen wasiirada maamulka Khaatumo State uuna shir guddoominayey Madaxweynaha maamulkaasi Cali Khaliif Galeyr ayaa waxay kaga soo horjeesteen heshiiskii magaalada Garoowe ku kala saxiixdeen dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Waxay sheegeen in Puntland aanay matalin maamulkooda, islamarkaana xilli hore ay wax kala baxsadeen, wixii lagula heshiiyayna aanay ahayn wax ay la socoto ama raali ka tahay Khaatumo.

“Dadka deggan Gobollada Sool iyo Sanaag raali kama ahan heshiiska ka dhacay Garoowe, annaga xilli hore ayaan kala baxnay oo aynu sameysannay maamulka Khaato, dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan” mid ka mid ah wasiirada Khaatumo ayaa hadalkaasi sheegay.

Dhinaca kale waxay sheegeen xubnahan in aysan ka qeybgali doonin doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo sanadkaan 2016, islamarkaana sidoo kale aanay geysan doonin xildhibaanno iyaga matala.

Seddaxdii Bishan ayaa heshiis ka kooban dhowr qodob waxaa magaalada Garoowe ku gaaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW