U bood dhigaalka

Maamulka Khaatumo Oo Digniin u Diray Maamullada Somaliland iyo Puntland

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo State ayaa uga digay maamullada Somaliland iyo Puntland faragelinta ay ku hayaan deegaannada maamulkaasi uu sheego inuu ka arrimiyo.

Maxamuud Cali oo ah wasiirka xanaanada xoolaha Khaatumo State oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Labada dhinacba ay ciidamo kala geliyeen deegaannadooda, isaga oo sheegay in waxyeello ay u geysteen dad shacab ah.

Waxa uu tilmaamay in maalmihii ugu dambeeyay degmada Buuhoodle ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maamulka Puntland iyo xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Federaalka, kuwaasi oo uu ku sheegay in ay wadeen waxyaabo aan shacabka dano ugu jirin.

“Degmada Buuhoodle inay qabsadeen ayeeyba tahay waayo shacabkii ayeey dhibaato u geysteen, waxay dudumiyeen guryo badan oo astaamaha khaatumo lagu dhejiyay, rasaas ay ciidankooda fureenna dad haween u badan bay waxyeello kasoo gaartay” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in ka maamul ahaan ay u digayaan markii ugu dambeysay maamullada Somaliland iyo Puntland, ugana digayaan xadgudubka uu sheegay in ay ku hayaan deegaanadooda.

Goballada Sool iyo Sanaag ayaa deegaanno badan oo ka tirsan waxaa isku haysta maamullada Puntland, Somaliand iyo Khaatumo State, waxaa horay deegaannadaasi uga dhacay dagaallo khasaare badan sababay.

Goobjoog News