U bood dhigaalka

Maamulka Khaatumo Oo Rajo Ka Muujiyay Xalinta Dagaalladii Qorilley Ee Gobalka Sool

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo State ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xalliyo dhammaan xiisadda colaadeed ee ka taagan deegaanka Qorilley ee gobalka Sool iyo deegaanno kale oo gobalka ka tirsan.

Maxamuud Cali oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Buuhoodle ee Khaatumo ayaa sheegay in waxgarad badan ay ku baxeen dagaalladaasi, laguna guuleystay in la joojiyo rasaasta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda Labada dhinac wada hadallo ay u socdaan, lana rajeynayo in wax walba oo dhacay laga wada heshiin doono.

“Odayaashii ayaa garta ku jira, waxaa lagu guuleystay in xabadda la joojiyo, lakala qaado ciidamada, sidoo kalena wada hadal la galo” ayuu yiri Maxamuud Cali.

Sidoo kale mas’uulkaan oo usii waramayay Goobjoog ayaa sheegay in guud ahaan deegaanadii lagu dagaallamay aysan joogin wax shacab ah, islamarkaana shacabka ay ka baqeen in waxyeello ay kasoo gaarto dagaalladii dhacayay.

Deegaanka Qorilley ee gobalka Sool, waxaa ka dhacay dagaallo maalmo badan socday, kuwaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, iyo burbur hantiyeed.

Goobjoog News