U bood dhigaalka

Maamulka Khaatumo State Oo Ku Hanjabay In Ay Qaadi Doonaan Dagaalo Ka Dhan Ah Somaliland (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

khaatumo stateMaamulka Khaatumo State ayaa ku hanjabay in dhawaan ay qaadi doonaan dagaalo ka dhan ah maamulka Somaliland, ayna ku wajahanyihiin deegaanada gobalka Sool ay ciidamada maamulkaasi ka joogaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo State Maxamuud Sheekh Cumar ayaa sheegay in magaalada Laascaanood uu ka taagan yahay dhib ay wadaan Somaliland islamarkaana ay dagaal ku qaadayaan.

Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayuu sheegay in xilligaan ay la kulmayaan dhibaatooyin dhanka Somaliland kaga yimaada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale Gudoomiye Maxamuud Sheekh Cumar waxa uu soo hadal qaaday qorshe lagu nabadeynayo beelo dhawaan ku dagaalamay gobalka Sool, isaga oo tilmaamay in meel wanaagsan ay marayso.

“Anaga waxaan wadnaa dadaalada aan ku nabadeynayno beelihii ku dagaalamay Sool, Somaliland ayaa dhibaato ka dhex wada umadda laakiinse anaga dhulkeen cid joogto uma aaba yeeli donno, oo dagaal ayaan la galaynaa” ayuu yiri Maxamuud Sheekh Cumar

Maamulada Khaatumo State iyo Somaliland waxaa horay u dhexmaray dagaalo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News