U bood dhigaalka

Maamulka KMG Ah Oo Loo Magacaabay Degmada Caabudwaaq Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa habeenkii xalay ahaa magacaabay maamul KMG ah oo ay yeelato degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobalka Galgduud.

Munaasabad xalay lagu qabtay degmadaasi kana qeybgaleen madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Wasiirro maamulkaasi ka mid ah, Odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ayaa lagu shaaciyay maamulkaan cusub.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Galmudug Jaamac Xasan Salaad ayaa halkaasi ka akhriyay warqaddii magacaabista, waxaana gudoomiye loo magacaabay Mahad Cumar Cilmi.

Maamulkaan ayaa ka kooban 14 xubnood, waxay shaqeyn doonaan muddo 90 cisho ah ama Seddax Bil, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa maamul aan KMG ahayn.

Wasiir Jaamac ayaa rajo ka muujiyay in maamulkaan cusub uu noqdo midkii amniga iyo kala dambeynta degmada soo celiya, kana hirgeliya doorasho dhacda mudadaasi.

Magacaabista taliyaha ciidamada Booliiska ee degmada Caabudwaaq iyo saraakiisha amniga ayaa dib loo dhigay, iyadoo madaxdii halkaasi ku sugneyd ay kula dardaarmeen shacabka Caabudwaaq inay la shaqeeyaan maamulkaan cusub.

Degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud waxaa dhawaan ka dhacay ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca, waxaana ugu dambeyn degmadaasi dagaal kula wareegay ciidamada Galmudug.

Goobjoog News