U bood dhigaalka

Maamulka KMG ee Jubba oo guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka KMG Jubba ayaa guulo ka sheegtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanno ka mid ah gobalka Jubada Hoose kuwaa oo khasaare uu ka dhashay.

Afhayeenka maamulka KMG Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa ka hadlay dagaaladaasi, gaar ahaan kuwii ka dhacay deegaano ku dhaw magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Deegaanadii ugu dambeeyay ay ku dagaalameen ciidamada maamulka Jubba oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab oo dhinac ah waxaa ka mid ah, Cabdalla Biroole iyo deegaanno ku dhow dhow.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay dileen rag ka mid ah Al-shabaab kuwo kalena nolosha ay ku qabteen waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana dhanka kale uu sheegay in iyaga ay dagaalada ku gacan sareeyaan.

Al-shabaab ayuu sheegay in ay ku qasbeen in ay adeegsan waayaan gaadiid, gaar ahaan kuwa lagu dagaalamo, xilli la sheegayo in dagaalada ay ka qeyb qaataan diyaaradaha dagaalka ee ciimada Kenya.