U bood dhigaalka

Maamulka KMG Ee Jubba Oo Wada Qorshe Magaalada Kismaayo Looga Saarayo Dadka Barakacayaasha ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

KismaayoMaamulka KMG ee Jubba ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in guud ahaan magaalada Kismaayo gudaheeda uga saaraan dadka barakacayaasha ah ee halkaasi mudada deganaa.

Xasan Xareed oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Jubba ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dadka ay dejinayaan duleedka magaalada Kismaayo, loona diyaariyay meelihii ay ku noolaan lahaayeen.

Dadka Barakacayaasha ayuu tilmaamay in dhawaan roobakii ka da’ay magaalada Kismaayo in saameyn xoogan uu ku yeeshay, biyo badanna ay gudaha ugu galeen guryahii ay deganaayeen.

Goobaha la dejinayo dadka Barakacayaasha waxa uu Xasan Xareed u sheegay in ay dadka ku ogaan doonaan hay’ado samafal iyo maamulka Jubba.

Dhinaca kale Mas’uulkaan ka midka ah maamulka Jubba ayaa sheegay in dhawaan magaalada Kismaayo ay soo gaari doonaan qaxootiga Soomaalida ah ee kasoo baxay dalka Kenya, kuwaa oo weli jooga degmada Dhoobleey, waxaana uu sheegay in loo diyaariyay meelo ay degaan oo duleedka Kismaayo ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News