U bood dhigaalka

Maamulka KMG Jubba oo dad u soo qabtay abaabulka qaraxyo

Sheeko:War
Jubba-Ciidamo
Ciidamo ka tirsan maamulka KMG Jubba oo maraya bartamaha Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha ciidamada ammaanka Maamulka KMG ee Jubba ayaa sheegay inay dad u soo qabteen abaabulka qaraxyo dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Kornayl Maxamed Kheyre Dhuxulow oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Amniga ee Maamulka KMG Jubba oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay inay ciidamada maamulkaasi gacanta ku soo dhigeen labo nin oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen abaabulka qarax Jimcihii tagay ka dhacay Kismaayo, kuwaasi oo uu sheegay in Baaritaan ay ku hayaan.

Waxa uu intaasi raaciyay in ciidamadu ay isla howl-galkaasi ku soo qabteen gaari shidaal siday oo uu sheegay inay leeyihiin xarakada Al-Shabaab kaasi oo uu sheegay inay baaritaan ku hayaan.

Gelinkii dambe ee jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii Lix qof ay ku dhimatay, afar kalena ay ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Kismaayo oo saldhig u ah maamulka KMG Jubba.