U bood dhigaalka

Maamulka KMG Jubba oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Buula Gaduud (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Askar ka tirsan maamulka KMG Jubba oo ku sugan duleedka  Kismaayo
Sawir hore:Askar ka tirsan maamulka KMG Jubba oo ku sugan duleedka Kismaayo

Saraakiisha maamulka ku-meel gaarka Jubba ayaa sheegay in hub iyo gaadiid ay kaga   gubeen xarakada Al-Shabaab dagaal labada dhinac ku dhax maray deegaanka Buula Gaduud ee gobolka Jubbada hoose.

Xasan Shideeye oo hor kacaya hawl gallo maamulka KMG Jubba uu xusay in la sugayo ammaanka ayaa sheegay in khasaaraha dagaalka dhankooda uu ka yar yahay sida uu warka u yiri kan ay gaarsiiyeen xarakadda Al-Shabaab.

Intaa waxa uu warkiisa ku daray sarkaalkan in hawl galkooda uusan ku ekaan doonin deegaanka Buula Gaduud oo ay tagi doonaan goob kasta sida uu yiri oo Al-Shabaab ay kaga suganyihiin Jubbooyinka.

Ciidamada is garabsanaya ayaa maalmihii u dambeeyay howl gallo ballaaran ka waday gobolka iyaga oo bartilmameydsanaya degmada Jilib oo ay ku xooganyihiin xarakada Al-shabaab.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay duqeymo ka geystay degmada Jilib iyaga oo sheegay in ay bartilmaameydsadeen xarumo iyo saldhigyo ay leeyihiin Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka xarakada Al-shabaab.

Hoos ka dhageyso codka Xasan Shideeye: