U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Billaabay Qorshe Lagu Baahinayo Sharciga Dowladaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed C/raxmaan Aadan Ibraahim ayaa ka warbixiyey qorshaha ku aadan baahinta shuruucda maamullada dowlaha Hoose.

Wasiirka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka iyo tan maamulka Koonfur Galbeed ay iska kaashanayaan sidii hannaanka shuruucda maamullada dowlaha hoose loogu baahin lahaa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

“Qorshahan waa mid maalmahan soo jiray, waxaan kala kaashaneynaa baahinta shuruucda maamullada dowladaha hoose wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka, waxaana sidan si la mid ah inala qaba dhammaan dowlad goboleedyada dalka ka jira” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in la daadejiyo maamulka islamarkaana uu kasoo billowdo meel hoose.

Wasaaradadaha arrimaha gudaha maamul goboleedyada dalka ayaa dhawaan waxaa shir ku aadanaa horumarinta shuruucda dowladaha hoose ku yeesheen magaalada Baydhabo, waxaana shirkaasi soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News