Maamulka Koonfur Galbeed Oo Deegaan u Diyaarinaya Soomaalida Kasoo Laabaneysa Qaxootiga Kenya

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in hadda ay wadaan qorsheyaal ay deegaan ugu diyaarinayaa dadka kasoo jeeda gobolladaasi ee kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga dalka Kenya.

Wasiirka wasaaradda beeraha maamulkaasi Maxamed Xasan Fiqi oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in kulqamo ay la qaateen hay’ado ka socda Qaramada Midoobay oo dhanka Bini’aadannimada qaabilsan, kuwaasi oo ay kala hadleen arrimaha qaxootiga soo laabanaya.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad iskoos isku soo abaabulay oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, 275 ka mid ah dadkaasina ay dib u dejin u sameeyeen.

Dadka dib u dejinta loo sameeyay ayuu sheegay in hadda la barayo tababaro ku aadan sidii ay dalkooda uga shaqeysan lahaayeen.

“275 qof ayaan dib u dejin ugu sameynay waxaan barnay xirfado ay ku shaqeysan karaan, sidoo kale dadka imaanaya iyagana dib u dejin baa loo sameynayaa kuwa aan gobollada Koonfur Galbeed u dhalan iyaguna meelihii ay u dhasheen baan gaarsiineynaa” ayuu  yiri wasiirka.

Deegaanno ka mid ah gobollada dalka waxaa dib ugu soo laabanaya Soomaalidii Qaxootiga ku ahaa dalka Kenya kuwaa oo si iskood ah usoo laabanaya.

Goobjoog News

Related Articles

6 Comments

  1. widely security [url=http://cialislet.com/#]cialis usa[/url] where
    cookie free rich there cheap cialis online pharmacy slowly pitch [url=http://cialissom.com/#]cialis 20mg pills[/url] much software seriously
    response basically cialis sale usa somewhere thought http://cialissom.com/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW