U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Guddi Wasiiro Ah u Magacaabay Amniga Gobalada Ay Maamulaan

Sheeko:Dalka

Kulan magaalada Baydhaba ay ku yeesheen golaha wasiirada ee maamulkaasi ayaa waxaa lagu magacaabay gudi dhanka amniga ah oo ka kooban  ilaa shan xubnood oo ka mid ah wasiirada maamulkaasi.

Xasan Cabdi Maxamed oo ah wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay Warbaahinta in gudigaan ay u xilsaaran yihiin amaanka guud ee gobalada kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

In laga shaqeeyo amaanka ayuu sheegay in ay tahay muhiimadda Koowaad, si maamulka Koonfur Galbeed uu ugu baaho dhamaan gobalada loo dhisay.

Sidoo kale wasiirka ayaa hadalkiisa intaa ku daray in kulankooda inta uu socday ay diiradda saareen sidii loo dar dar gelin lahaa wax ka qabashada amaanka guud iyo waliba dagaalada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Waxyaabaha ay wasiirada Koonfur Galbeed isku soo hadal qaadeen waxaa ka mid ah, wada shaqeynta ciidamada maamulkaasi iyo kuwa dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Maamulka Koonfur Galbeed waxaa horyaala shaqooyin badan oo ay ugu horeyso fidinta maamulkooda oo xarun u ah magaalada Baraawe iyo arimo amaanka ku saabsan.

Goobjoog News