Maamulka Koonfur Galbeed Oo Gudoomiye Cusub u Magacaabay Gobalka Sh/hoose

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyahii gobalka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii iyadoo gudoomiye cusub loo magacaabay gobalkaasi.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa Ibraahim Aadan Cali waxa uu u magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobalka Shabellaha Hoose, kaasi oo la doonayo inuu qabto shaqo badan oo gobalka ah.

Afhayeenka maamulka Gobalka Shabellaha Hoose Maxamed Shiine oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in gudoomiyahaan cusub ay ka rajeynayaa wax qabad muuqda, isaga oo dhanka kale tilmaamay in gudoomiye hore Siidii uu shaqo badan qabtay.

“Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa uu gudoomiyaha gobalka Shabellaha Hoose u magacaabay Ibraahim Aadan Cali, waan soo dhaweyneynaa, gudoomiyahii hore C/qaadir Siidii isna waan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee usoo shaqeeyay” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobalka Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan.

Gudoomiyaha cusub ee gobalka Shabellaha Hoose waxaa horyaalla shaqooyin u badan dhanka amniga, xilli inta badan dagaallo ay ka dhacaan gobalkaasi, sidoo kalena ay jiraan burcad dhacda gaadiidka shacabka ee gobalkaasi ku safra.

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW