U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Loo Tababarayo Ciidamo Daraawiish Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo tababarayaa ciidamo badan oo ka mid noqonaya kuwa daraawiishta ee maamulkaasi.

Degmooyinka Qansax Dheere, Bardaale iyo Buurhakaba ee gobalka Baay, waxaa laga hirgeliyay xerooyin lagu tababarayo ciidamadaan.

Wararka ay helayso Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in xerooyinkaasi ciidamada ku jira marka guud ahaan la’isku daro tiradooda ay gaarayaan 900 askari.

Ciidamadaan ayaa tababarkaan loo soo xiri doonaa maalmaha soo aadan sida uu Goobjoog News u sheegay wasiirka amniga Koonfur Galbeed Cabdifitaax Geesey.

Tababarada waxaa ciidamadaan siinaya saraakiil AMISOM ka tirsan, gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Itoobiya.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa deegaanno ka mid ah gobalada Baay iyo Bakool waxay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyaga oo dhawaan Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka mid ah gobaladaasi.

Goobjoog News