U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed oo Soo Saaray Go’aanno Amniga Lagu Sugayo

Sheeko:Dalka

Guddiga amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray ammaro ku aadan sugidda amniga dhammaan deegaannada maamulkaasi uu ka taliyo.

Guddigani oo ka kooban 19 xubnood ayaa dhawaan waxaa magacaabay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna isugu jiraan saraakiil ciidan, mas’uuliyiin gobol, degmo iyo xubno kale.

Hadaba kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhaba ayaa waxay soo saareen qodobo badan oo ku saabsan sugidda amniga deegaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.

Guddoomiyaha guddigan Xasan Lugbuur ahna wasiirka maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in waxyaabaha la’isku raacay ay ka mid tahay inay is diiwaan geliyaan haweenka raggoodu ka mid yihiin Al-shabaab misane ku sugan magaalada Baydhabo iyo sidoo kale inay is soo dhiibaan ragga ka midka ah Al-shabaab ee ku nool magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in magaalada aan lagu arki karin cid ku dhex wadata hub sharci darro ah, sidoo kalena tallaab adag laga qaadi doono cid walba oo shacabka ku xadgudubta.

Sidoo kale waxaa digniin loo diray askar la sheegay in jidgooyo ay u dhigtaan gaadiidka dadweynaha, kuwaasi oo la tilmaamay in iyaguna maxkamad la geyn doono.

Go’aannadaan ayaa imaanaya xilli shalay maxkamadda ciidamada qalabka sidda ay xukunno dil iyo xabsi isugu jira ay ku xukuntay ku dhawaad 7 qof oo la sheegay inay ku eedeysnaayeen qaraxyo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Goobjoog News