U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Wax Ka Qabanaya Isbaarooyin Yaalla Wadada Isku Xirta Baay Iyo Muqdisho

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan Isbaarooyin yaalla wadda isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Maxamed Sheekh C/laahi oo ah taliyaha ciidankaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidankooda kusoo bixi doonaan wadadan oo uu tilmaamay in dhibaato badan loogu geysto dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay in dhawaan la weyn doono isbaarooyinkaasi, islamarkaana cid walbo oo shacabka wax u dhimeysa gacanta lagu dhigi doono waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada Booliiska gaarka ah waxay billaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Isbaarooyinka yaalla wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, shacabka dhibaato badan baa loo geystay, laakiinse sida ugu dhaqsiyaha badan ayeeynu wax uga qaban doonnaa” ayuu yiri taliyaha.

Inkastoo maamulka Koonfur Galbeed sheegayo in Isbaarooyinka Shabellaha Hoose wax ka qabanayo ayaa hadane waxaa jirtay howlgallo ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kuna aadan Isbaarooyinkaan.

Goobjoog News