U bood dhigaalka

Maamulka Lambar 50: Waxaan Dilnay 4 Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dagaal maanta ka dhacay deegaankaasi ay ku dileen 4 kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Guddoomiyaha deegaankaasi Cali nuur Axmed oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen weerar ay maanta mar kale soo qaadeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Meydadka Afarta ah ee Al-shabaab ayuu sheegay guddoomiyaha in hadda ay yaalaan deegaankaasi, kuna raadjoogaan dagaalyahannadii soo weeraray.

Sidoo kale guddoomiye Cali Nuur ayaa sheegay in dagaalladan xalay illaa maanta kusoo noqnoqday deegaanka Lambar 50 ay tahay Al-shabaab oo doonaya iney qabsadaan deegaankaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Nimankii Al-shabaab ahaa ayaa nasoo weeraray maanta mar kale, waxaan ka dilnay 4 qof oo iyaga ah, weyna ka carareen, ciidamada ayaa ku raadjooga, nimankaan weerarada wey soo xoojiyeen, guryihii waa ay gubeen, waxaana ay doonayaan iney la wareegaan Lambar 50” ayuu yiri guddoomiyaha.

Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa sidan oo kale waxay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaannada Lambar 50, Laanta buuro iyo deegaanno kale oo Sh/hoose ah, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoog News