U bood dhigaalka

Maamulka Leego Oo Wada Howlgallo Amniga Lagu Sugayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Degaanka Leego ee  gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ku doonayaan  in wax kaga qabtaan ammaanka inta u dhaxeysa degmooyinka Leego iyo Buurhakaba.

Wadada xiriirisa degmooyinka Leego iyo Buurhakaba oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal liddi ku ah nabadgalyada iyadoo kooxo hubeyesan ay dhigteen jigdooyooyin lagu dhibaateeyo dadka safarka ah.

Guddoomiyaha degaanka Leego Abuukar Cabdullaahi Isaaq oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada booliska ah si gaar ah u wadaan qorshe amniga lagu xasilinayo iyadoo looga hortagayo kuwa qalqal gelinta amniga wada.

“Ciidanka booliska ayaa wada dadaallo amniga lagu xaqiijinayo siiba wadada xiriirisa degaankani Leego iyo Buurhakaba” ayuu yiri Abuukar Cabdullaahi.

Gaadiidleyda baabuurta xamuulka iyo kuwa rakaabka ee ku safra wadadaasi ayaa dhowr jeer cabasho ka muujiyay wadadaasi oo labada degmoba ay ka taliyaan maamullo dowladda federaalka taabacsan.

Waxaa intaas dheer in mararka qaar ay ka dhacaan weerarro qorsheysan oo lagu la eegto ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

Goobjoog News