U bood dhigaalka

Maamulka Lixda gobal ee Koonfur galbeed oo dowladda ku dhaliilay iney shaqsiyaad u xaglinaya.

Sheeko:War

Maamulka Koonfur galbeed ee Lixda gobal ayaa  Dowlada Federaalka Soomaaliya  ku dhaliilay,  in ay taageerayso Maamul Goboleed ay ku sheegeen in ay wataan shaqsiyaad gaar ah.

Liibaan Sheikh Shuceyb oo ah afhayeenka Maamulkaasi oo la hadlay Goobjoog  FM ayaa sheegay in  ay soo  dhawaynayaan shaqsi kasta oo  ka qayb qaadanaya dhismaha Maamul ay yeeshaan gobollada koonfur galbeed. Wuxuuna sharci darro ku tilmaamay maamulka ay dowladdu taageerto ee saddexda gobol.

Afhayeenkan ayaa intaa ku daray in Maamulkooda uu yahay mid ay u wada dhan yihiin – sida uu warka u  dhigay – beelaha wada dega lixda Gobol.

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa taageertay garabka saddexda gobo lee maamul u sameynta koonfur galbeed soomaaliya, kadib isbar-bar yaac socday in muddo ah. Balse garabka kale ee lixda gobol ayaa ku gacan seyray hindisaha dowladda kuna tilmaamantay mid dhinac u xaglinaya.