U bood dhigaalka

Maamulka lixda gobol oo sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal

Sheeko:War
Madoobe Nuunow Maxamed
Madoobe Nuunow Maxamed

Maamulka lixda gobal ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dhameeyo khilaafka ka taagan maamulada is bar bar socda ee ka jira gobolada Koofurta.

Afhayeen u hadlay maamulka Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in diyaar ay u yihiin in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala hadlaan khilaafaadyada ka jira koofurta dalka.

Afhayeenkaasi oo lagu magacaabo Liibaan Shucab ayaa xusay wada hadalkaasi ka sakow in marnaba ayasn ka tanasuuli doonin maamulka saddexda gobol ee Madoobe Nuunow.

Waxa uu carabka ku dhuftay Liibaan in ay sii wadi doonaan banaanbaxyada ay ku diidan yihiin maamul ka kooban saddex gobol.

Hadalka afhayeenka ayaa ku soo aadaya xilli maalinimadii shalay ahayd ay Baydhabo ka dhaceen dibad baxyo sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca qaar kale.

Dadka isugu soo baxay wadooyinka gala garoonka Baydhabo ayaa ka soo hor jeeday booqasho la sheegay in uu magaaladaas ku tagayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Hoos ka dhageyso codka Liibaan Shucab: