U bood dhigaalka

Maamulka lixda gobol oo sheegay in aysan marna tanaasuleyn

Sheeko:Dalka

Maamulka koofur galbeed ee lixda gobol ayaa sheegay in ay weli ku taaganyihiin mowqifkoodii ahaa in marnaba aysan ka tanaasulin aragtida lixda gobol.

Suldaan Siraaji oo ah guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida maamulkaasi ayaa u sheegay Goobjoog FM in maamulkan dhismihiisa ay waqti badan geliyeen islamarkaana aysan ka laaban doonin aragtidooda.

Maamulka saddexda gobol ee dhismihiisa socda ayuu ku sheegay in uu yahay mid dano gaar ah ay ka leeyihiin siyaasiyiin iyo xubno kale oo dowladda Federaalka ka mid ah.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii tagtay Baydhabo ka furay shir wada tashi kaas oo dhowaan soo xirmay walow uusan wax wayn ku soo kordhin xiisada ka taagan magaalada Baydhabo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa aqoonsaday maamulka saddexda gobol ka kooban.