Maamulka Madoobe Nuunoow oo rajo ka muujiyay Mira dhalka wada hadal ay la fureen maamulka Koonfur Galbeed.

Madoobe Nuunow Maxamed
Madoobe Nuunow Maxamed

Maamulka Madoobe Nuunoow ee sheegta in ay maamulaan Lixda gobal ee Koonfur Galbeed ayaa rajo ka muujiyay wada hadal ay dhawaan la fureen maamulka Koonfur Galbeed.

C/qaadir Ajuuke oo ka mid ah xubnaha maamulkaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in wada hadalka xilligaan uu yahay mid ku dhaw in uu mira dhalo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay in ay aad u wanaagsan tahay in la wada hadalo si markaasi loo helo aragti mid ah, isaga oo sheegay sidoo kale hadii ay dhacdo in heshiis la wada gaarayo lama huraan ay tahay dowladda in goobta ay ku sugnaato.

Ajuuke ayaa dhanka kale Meesha ka saaray in dhankooda ay sameeyeen tanaasul, ka dib markii maamulka Sedaxda gobal xunbno ka mid ah ay sidaasi sheegeen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa horay u sheegay in wadahadal uu la galayo maamulka Madoobe Nuunoow si loo helo Koonfur Galbeed oo mid ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW