U bood dhigaalka

Maamulka Madoobe Nuunoow oo sheegay in aysan suurta gal ahayn doorasho ka dhacda Baydhaba (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Madoobe Nuunoow ayaa sheegay in xilligaan aysan suurta gal ahayn doorasho ka dhacda magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, xilli waxgaradka ku howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda ay sheegeen in Isniinta soo aadan ay hogaan dooran doonaan.

Ugaas Maxamuud oo ah guddoomiye xigeenka golaha guurtida ee soo dhisay maamulka Madoobe Nuunow ayaa sheegay inay soconayaan wada hadal u dhaxeeya iyaga iyo dowladda Federaalka.

Waxa uu tilmaamay in riyo maalmeed ay ku jiraan odayaasha doonaya inay wax ku doortaan Baydhabo maalinta Isniinta ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Uljeedka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee hakinta shirkaasi ayuu sheegay in la gaaro xal waara, islamarkaana sidoo kale la sameeyo maamul loo wada dhan yahay.

Maalinta Isniinta ah ayeey ku dhawaaqeen xubnaha ku howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed in ay dooran doonaan madaxweynaha maamulkaasi uu yeelan doono.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News