U bood dhigaalka

Maamulka Madoobe Nuunoow oo sheegay in khilaafka madaxda dowladda uu sameeyay wadahadlo ka dhici lahaa Baydhaba (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Madoobe Nuunow Maxamed
Madoobe Nuunow Maxamed

Maamulka lixda gobal ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa sheegay in khilaafka madaxda dalka uu saameyn ku yeeshay dadaaladii nabadda ee magaaladaasi.

C/qaadir Ajuuke oo ka mid ah xubnaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in khilaafkani uu saameyn ku yeeshay wada hadallo la doonayay inay u furmaan maamulada Lixda gobal iyo seddexda gobal.

Waxa uu sheegay in ay mar walba diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan cid kasta oo ka soo horjeeda fikirka ay qabaan.

Ajuuke ayaa dhanka kale sheegay in ay muhiim tahay in la taageero maslaxadda iyo nabadda bulshada ku dhaqan gobaladaasi, waxaana uu rajo ka muujiyay in wada hadal lagu xaliyo aragtida laga kala aaminsan yahay maamulka Koonfur Galbeed.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News