U bood dhigaalka

Maamulka Madoobe Nuunoow Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Maamulka Koonfur Galbeed Ee Uu Hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Baydhabo
Baydhabo

Maamulka Madoobe Nuunoow ee sheeganayay inuu maamulo Lix gobal ayaa si rasmi ah ugu biiray maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Magaalada Baydhaba waxaa ka dhacay kulan balaaran oo ay yeesheen Labadaan dhinac, waxaana goobjoog ka ahaa xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Labada dhinac ku heshiiyeen awood qeybsi.

Cabdiqaadir Maxamed Ibraahim Ajuuke oo ka mid ah xubnaha maamulka Madoobe Nuunoow ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in lagu heshiiyay in iyaga la siiyo xilka madaxweyne ku xigeenka iyo sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka, taa oo uu ku tilmaamay in ay tahay xalka ugu haboon ee Labada dhinac isugu yimaadeen.

“Kulankaan ma aysan joogin Madoobe Nuunoow iyo Shariif Xasan hase ahaatee waxaa joogay xubno matalaayay, waxaana sidoo kale madasha ku sugnaa xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka, waxaa ka mid ah Aadan Madoobe, Xaabsade iyo xildhibaano kale, waxaana heshiiskaan uu ka dhacay taliska ciidamada AMISOM ee Magaalada Baydhaba, wax walba waan wada qeysaneynaa, anaga waxaan dib u eegnay danta shacabka, wixii naga maqan dib ayaan ka raadsaneynaa” Ajuuke ayaa sidaasi yiri.

Mar aynu Cabdiqaadir Ajuuke wax ka weydiinay sida ay ku suurta gashay in Madoobe Nuunoow uu ogolaado ku biirista maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay keentay daruuf ku aadan u daneynta dadka shacabka ah.

“Waxaa kalifay daruufta iyo waqtiga, markaan aragnay dowladii Federaalkii, dowladihii caalamka, Qaramada Midoobay ay naga soo horjeedaan, Laba Sano aan taagannahay aqoonsina aan weynay ayaa kaliftay iyo shacabka anaga oo u daneynayna” ayuu Hadalkiisa raaciyay Ajuuke.

Maamulka Madoobe Nuunoow ayaa ku adkeysanayay inuu maamulo Lix gobal, iyadoo doorasho ka dhacday magaalada Baydhaba dhawaan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan kaas oo hogaaminaya shacabka degan gobalada Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso.

Goobjoog News