U bood dhigaalka

Maamulka Madoobe Nuunoow oo wada hadal ugu baaqay maamulka Jubba iyo Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Madoobe Nuunow Maxamed
Madoobe Nuunow Maxamed

Maamulka Madoobe ee Lixda Gobal ayaa sheegay in wada hadal ay la geli doonaan maamulka KMG ee Jubba iyo sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal, uuna hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur oo ah afhayeenka golaha guurtida ee maamulka lixda gobal ayaa isaga oo wareysi siinayay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in ay doonayaan inay wada hadal la furan labadaas dhinac.

Maamulka Kismaayo iyo sidoo kale maamulka Sharif Xasan ayuu sheegay in wada hadaladan ay ugu baaqeen ayna ka wada hadli doonaan ayaaha gobalada Koonfur Galbeed, maada ayuu yiri aysan kala maarmin Lixda gobal.

Maamulka Lixda gobal ayuu sheegay inuu yahay mid u taagan in xilli walba wadahadal uu la galo cid walba oo ay u arkaan in ay ka shaqeynayso danta maslaxadda shacabka gobaladaasi degan.

Maamulka Madoobe Nuunoow ma aanu helin wax aqoonsi ah,hase ahaatee weli waxa ay sheegaan in ay yihiin maamulka saxda ah ee Koonfur Galbeed.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News