U bood dhigaalka

Maamulka Madoobe Nuunoow oo wada hadal ugu baaqay maamulka Sedaxda gobal ee Shariif Xasan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Madoobe Nuunow Maxamed
Madoobe Nuunow Maxamed

Maamulka Madoobe Nuunoow uu hogaamiyo ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal, islamarkaana uu hogaamiye u yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Cabdulqaadir AJuuke oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulkaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in iyaga ay yihiin maamul ku yimid rabitaanka shacabka, balse aysan diyaar u ahayn in ay ka laabtaan mowqifka ay ka taagan yihiin arimaha Koonfur Galbeed.

Ajuuke ayaa sheegay in dhinaca kale ay wada hadalo la geli doonaan maamulka KMG ee Jubba si ayuu yiri looga tashado israacidda maamulkooda iyo kan Jubba.

Magaalada Baydhaba waxaa dhawaan lagu doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal, waxaana loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo dhanka kale Magaaladaasi ay ku sugan yihiin maamul uu hogaamiyo Madoobe Nuunoow oo isna sheegaya in Lix gobal uu maamulayo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News