U bood dhigaalka

Maamulka Madoobe Nuunow oo dhaliil u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya

Sheeko:Dalka
Madoobe Nuunow Maxamed
Madoobe Nuunow Maxamed

Maamulka Koonfur galbeed ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay in ay ka gaabisay xal u raadinta xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo.

Maxamed Idiris Leesto oo ka mid ah wasiirada maamulkaasi ayaa sheegay in kulan gaar ah ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ay uga hadleen kaalinta ay dowladdu ka qaadatay dhismaha maamulka ay doonayaan in uu ka shaqeeyo gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya.

Waxa uu intaasi raaciyay in madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaabiyeen wax ka qabashada caqabadaha uu sheegay in ay hor taagan yihiim maamulkooda sida uu hadalka u dhigay taasi oo uu ku sheegay in dowladdu ay ku duud siineyso xuquuq uu sheegay in ay iyagu leeyihiin.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayuu ku eedeeyay in gobolada maamulkoodu uu ka shaqeeyo uu u aqoonsaday maamul kale arintaasi oo uu ku sheegay in ay cadeyneyso socdaalkii uu madaxweynuhu ku tagay magaalada Kismaayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan aqoonsaneyn maamulka uu hogaamiyo Madoobe Nuunow.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Idiris Leesto: