U bood dhigaalka

Maamulka Magaalada Barbara Oo Ka Warbixyay Qaabka Ay u Daryeelaan Dadkii Kasoo Cararay Yemen

Sheeko:Dalka

Maamulka Magaalada Barbara ee Somaliland ayaa ka warbixiyay sida ay ula dhaqmaan Soomaalida kasoo carartay Yemen ee dhawaan halkaasi gaaray iyo sida nolosha dadkaasi u daryeelaan.

Duqa magaalada Barbara Cabdi Fahmi Bidaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si wanaagsan ay ula dhaqmaan dadkaasi, islamarkaana ay siiyaan meel ay degaan.

Waxa uu sheegay in hay’adaha qaar ay qalad weyn ka fahmeen qaabka dadka soo cararay halkaasi loogu soo dhaweynayo, isaga oo tilmaamay in qaarkood hay’dahani ay moodeen in goobtaasi la dejinayo, balse ay tahay oo kaliya in dadka halkaasi lagu nasiyo.

“Dadka meeshii ay ku nasan lahaayeen baan diyaarinay, hay’adaha qaar waxay moodeen in qaxootiga aan meel dejinayno, balse anaga heer aan qaxooti ku aqoonsanno ma gaarin, mida kale dadka qaar iyaga ayaaba is maamulaya oo ku leh waan sii baxaynaa, magaaladii Hargeysa ayeey midaasi culeys ballaaran ku noqonaysaa” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Soomaali aan sidaa u badneen kana soo carartay dagaallada Yemen ayaa gaaray magaalada Barbara, ka dib markii Qaramada Midoobay ay kala hadashay Somaliland in dadkaasi ay soo dhaweyso maadaama ay dhibban yihiin.

Goobjoog News