U bood dhigaalka

Maamulka Magaalada Boosaaso Oo Ammar Dul Dhigay Goobaha Ganacsi Ee Ku Yaalla Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ayaa ammar dul dhigay ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi, ka dib markii ay soo bateen dabka ka kaca goobaha ganacsi.

Duqa magaaladaasi Injineer Yaasiin Mire Dacar oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in laga doonayo cid walba oo ganacsi ku leh magaalada Boosaaso in ay soo iibsato haamaha loogu tala galay in dabka lagu iibiyo.

Waxa uu tilmaamay in haamahani ay kahor tagaan dabka markii uu kaco, balse aan la damin karin dabka hadii uu baaho.

“Waxaan shacabka ku war gelin doonnaa gaar ahaan ganacsatada inay keensadaan haamaha dabka lagu damiyo, Ogeysiis baan bixin donnaa, hadii uu dhamaado waqtiga aan qabanno ka dib howlgal eegis ah baa billaaban doona” ayuu yiri Duqa Boosaaso.

Dhinaca kale mas’uulkaan ayaa sheegay in ay sii ballaarin doonaan damdamiska dowladda hoose ee Boosaaso, islamarkaana ay shaqaalo badan tababar u sameyn doonaan.

Inta badan dabka ka kaca suuqayada Boosaaso ayaa gallaafta hanti badan, iyadoo ay adkaato in dabkaasi la damiyo.

Goobjoog News