U bood dhigaalka

Maamulka Magaalada Hargeysa Oo Ka Hadlay Caqabadaha Ay Kala Kulmaan Dhulalka La’isku Haysto

Sheeko:Dalka

Maamulka Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay caqabado inta badan lagala kulmo lahaanshiyaha dhulalka oo inta badan dadku isku qabsadaan iyo sida arrimahaasi lagu xaliyo.

Duqa Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid oo warbaahinta la hadly ayaa sheegay in badi ay xaliyaan caqabadaha yimaada, balse mararka qaar uu dhaco isku dhac dhanka shacabka iyo ciidanka ah.

Maxkamadda ayuu sheegay markii ay xukunka soo goyso in ciidamada lagu amro inay fuliyaan, hase ahaatee dad dhaliisan xukunkaasi ay ciidanka rabshado kala hortagaan.

“Wey iska jiraan caqabado ah in dad ay isku dayaan inay diidaan amarka maxkamadda ama isku dhac uu yimaado, balse si walba oo ay ahaataaba waan ku dadaalnaa sidii aan dhibaato la’aan ugu fulin lahayn amarka maxkamadda” ayuu yiri Duqa Hargeysa.

Dhawaan ayaa dhimashada wiil dhalinyaro ah iyo dhaawac Afar qof kale ka dhalatay rasaas ay fureen ciidamada Booliiska Hargeysa, ka dib markii ay isku dhaceen shacab diidanaa in laga kiciyo dhul ay deganaayeen.

Goobjoog News