U bood dhigaalka

Maamulka Magaalada Kismaayo Oo Sheegay In Degmada Ay Ka Jiraan Dib u Dhis Iyo Isbedal Amni

Sheeko:Dalka

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Dagmada Kismaayo Rashiid Cabdi Ibraahim ayaa kawarbixiyay Howlaaha ay Dagmada u qabatao Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka ku meel gaarka ah ee Jubbaland.

Ugu horeen Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dadka Shacabka ah ee Reer Kismaayo ay si weyn ugu xiranyihiin Dagmada, islamarkaana ay fuliyaan howlaha ay uga soo baahdaan sida is qabqabsiga Dhulalka Waraaqaha Aqoonsiyada iyo wixii la mid ah.

Rashiid ayaa sidoo kale ka hadlay Xaalada Amniga ee Magaalada Kismaayo waxaana uu sheegay in Ammaanka Guud uu yahay mid hada la isku halayn karo.

“Amniga magaalada Kismaayo waa mid aad u hagaagsan, waxay shacabku yihiin kuwo la shaqeeya maamulkooda, magaalada waxaa ka jira mararka qaar is qabqabsi dhanka dhulalka ah, hadana maamulka ayeey dadku u yimaadaan waana la xalliyaa, dhanka bilicda waxa badan baa is bedalay, habeen iyo maalin shacabka iyo maamulka ayaa ku howlan ka shaqeynta arrimahaasi” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Magaalada Kismaayo ayaa hadda dib uga soo kabaneysa burburkii ka gaaray dagaalladii kala duwanaa ee magaalada ka dhacay, waxaana hadda shacabka ay yihiin kuwo usoo jeestay wax qabsi iyo dib u dhis.

Goobjoog News