U bood dhigaalka

Maamulka Magaalada Mandhera Oo Jubbaland Kala Shiray Sugista Amniga Xadka Kenya Iyo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi bari Kenya waxaa maalintii shalay ahayd gaaray wasiirka amniga maamul goboleedka Jubbaland C/rashiid C/nuur Janan halkaasi oo lagu soo dhoweeyay.

Wasiir Janan ayaa kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ciidanka Kenya iyo maamulka magaalada Mandhera oo arrimo badan ay ka wada hadleen.

Waxyaabaha ay diiradda saareen waxaa ka mid ah sugista amniga xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Wasiir Janan ayaa kulankaasi kadib waxa uu saxaafadda u faaah faahiyey waxyaabihii ay kala hadleen mas’uuliyiinta magaalada Mandhera iyo saraakiisha ciidanka Kenya ee ku sugan magaaladaasi.

“Shirka waxa uu ahaa mid ku saleysan is fahamka iyo xiriirka ka dhaxeeya dowladda Kenya iyo dowladda Jubbaland, waxaan ka shirnay sidii la isaga kaashan lahaa cadowga Labada dal leeyayhay, waxaan isla fahamnay madaxdii soo dhaweynta inoo sameeyay ee Madhera in wax laga qabto arrimaha amniga xadka, waana kulan lagu farxi doono” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo badan waxay ka joogaan deegaannada Jubbaland kuwaasi oo ka mid ah howlgalka AMISOM, dhanka kale waxaa wixii ka dambeeyay markii ciidanka Kenya ay Soomaaliya soo galeen amni darro ay ka billaabatay maagaalada Mandhera iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Goobjoog News