U bood dhigaalka

Maamulka Mahadaay: Ajaaniib Kama Qeybqaadan Dagaalladii Ka Dhacay Duleedka Degmada

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidanka dowladda howlgalkii ay ku qabteen degaanno hoostaga degmadaasi ay ku garab siiyeen saraakiil caddaan ah.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Mahadaay, Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo loo yaqaan Geeldoox ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog ku sheegay in ciidanku ay si nabad ah ku gaareen degaannada Qurac Madoobe iyo Cali Fooldheere.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in howlgallada ay ahaayeen kuwo qorsheysan, islamarkaana kaliya ay ahaayeen waxa dagaallada qaaday ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo uu tilmaamay Guddoomiye Xuseen in dowladdu ay ka go’an tahay xaqiijinta ammaanka degaannadani gacanteeda soo galay islamarkaana xaaladdu ay tahay mid deggan.

“Ciidamada xoogga dalka cid kale oo ku wehlisa maleh dagaalladan, waxbo kama jiraan wararka la isla dhexmaraayo eel eh caddaan ama ajaaniib ayaa ka qeybqaadatay dagaallada lagu qabtay deegaannadan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay iney gacanta ku dhigaan deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Dhexe oo ay maamuli jireen Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News