U bood dhigaalka

Maamulka Mandhera Oo Sheegay In Ay Adkeeyeen Amniga Kadib Cabsi Kaga Timid Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in ay aad u adkeeyeen amniga guud ee magaaladaasi, kadib markii ay casbi uga timid dhanka Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmadaasi Fredrick Shisia ayaa sheegay in ciidamada amniga ee magaaladaasi heegan buuxa la geliyey, maadaama ay ka baqeen weeraro Al-shabaab ay ka fuliyaan Mandhera.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in ciidamada Al-shabaab ay hadda isticmaalayaan gaadiid iyo darees ciidan oo dagaal uga qaateen ciidanka Kenya,  sidaa darteedna ay isku soo ekeysiin karaan ciidamada Kenya.

Waxaan xoojinnay sugista amniga Mandhera, waxaan adkeenay meelaha ay ciidanka kaga sugan yihiin xuduudda, sababtuna waxay tahay Al-shabaab ayaa hadda isticmaalaya darees ciidanka Kenya leeyihiin iyo gaadiid ay ku qabsadeen dagaalkii Ceel-cadde, bishii January” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhowaan ayeey ahayd markii maamulkaa degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo sheegeen in ciidanka Al-shabaab weerar ay ka geysteen degmadaasi soo adeegsadeen gaadiidka AMISOM.

Goobjoog News