U bood dhigaalka

Maamulka Maxaas Oo Baaq Nabadeed u Diray Beello Isku Haya Nawaaxiga Degmadaas

Sheeko:Amniga

Maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo isku haya deegaanno hoostaga degmadaasi.

Guddoomiyaha degmadan, Maxamed Cabdi Cawaale ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in beelahan ay isku hub uruursanayaan, lagana baqayo in dagaal uu dhexmaro.

Waxa uu sheegay in dagaal aan xilligaan loo baahneyn, islamarkaana waxa uu waxgaradka Labadan dhinac ugu baaqay iney nabadda qaataan oo dagaalka joojiyaan.

Dhinaca kale, guddoomiye Cawaale ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle iyo dowladda federaalka ah in kaalin weyn ay ka qaataan daminta xiisaddan.

Beelo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Galgaduud ayaa isku haya deegaan ku dhow xadka Labadan gobol, iyadoo uu buray heshiis Labada dhinac horey u gaareen.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News