U bood dhigaalka

Maamulka Mudug Ee Galmudug Oo Ugu Baaqay Shacabka In Ay La Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka

Sheeko:Dalka

Maamulka Mudug ee Galmudug ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka ku dhaqan gobalkaasi, in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago falalka amniga wax u dhimi kara.

Gudoomiyaha gobalkaasi Aweys Cali Saciid oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay xoogga saarayaan sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka gobalka Mudug.

Waxa uu tilmaamay in aysan cidna uga hibeysan doonin sugidda amniga gobalka Mudug, balse shacabka looga baahan yahay in ay farmuuqaan meel walba oo amni xumi ka dareemaan.

“Shacabka waxaan leennahay la shaqeeya ciidamadiina oo u sheegay meel walba oo aad ku aragtaan in koox dhib wadda ay ku sugan tahay, midda kale iska ilaaliya inaad caawisaan kooxaha burcadka ah” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ugu dambeyn gudoomiye Aweys Saciid ayaa sheegay in ciidamadooda habeen iyo maalin ay heegan ugu jiraan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen amniga guud ee gobalka iyo midka gaar ahaaneed ee magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News