U bood dhigaalka

Maamulka Mudug ee Puntland oo ka hadlay amniga Waqooyiga Gaalkacyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka Mudug ee Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda amni ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi.

Maxamed Yuusuf Tigeey oo ah gudoomiyaha gobalka Mudug ee maamulka Puntland ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in waxyaabo ay iska bedaleen magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in hadda amni ahaan ay waxbadan isbedaleen, sidoo kale uu socdo dib u habeyn dhanka Laamiga ah.

Nalalka ku shaqeeya cadceeda ayuu sheegay in ay ku mudayaan qeybta ay magaalada ka maamulaan, waxaana dhanka kale uu meesha ka saaray in ay jirto daawo la’aan Isbitaalka magaaladaasi ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha.

Goobjoog News