Maamulka Puntland Oo Beeniyay In Ay Is Hortaag Ku Sameeyeen Garoonka Cusub Ee Gal-mudug (Dhageyso)

GaalkacyoMaamulka gobalka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay tahay wararka sheegaya in iyagu ay is hortaag ku sameeyeen garoonka magaalada Gaalkacyo dhawaan ka sameesteen maamulka Gal-mudug State.

Axmed Muuse Nuur oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in wararkaasi ay ka maqleen warbaahinta, hase ahaatee maamulkooda uu cadeynayo xilligaan in aanay hortaagneen garoonkaasi.

“Anagu ma hortaagnin garoonka Gaalkacyo ay ka sameysteen Gal-mudug, warkaasi waxaynu ka maqalnay Qeydiid oo Warbaahinta ka sheegaya, hase ahaatee hadii ay u helayaan garoonkaasi maacaamil dhanka hay’adaha Qaramada Midoobay duulimaadka u xilsaaran, ama ay jiraan shirkado diyaaradahooda kasoo dejinaya Gaalkacyo anaga ma hortaagnin, xilliga ay doonaan wey furan karaan” ayuu yiri Axmed Muuse Nuur

Dhanka kale waxa uu sheegay in dhankooda ka maamul ahaan ay u taagan yihiin sidii ay xilli walba u dhowri lahaayeen derisnimada iyo sidoo kale dadka Soomaaliyeed ee wada degan, waxaana uu ku baaqay in la joojiyo warar uu sheegay in maamulkooda laga been abuuranayo.

Maamulka Gal-mudug State ayaa garoon diyaaradeed ka sameeyay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo ilaa iyo xilligaan si rasmi ah aanu u shaqeyn, ka dib muran soo kala dhex galay Gal-mudug iyo Puntland.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW