U bood dhigaalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in gebi ahaanba uu fashil ku dhammaaday Shirka Madasha

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in gebi ahaanba uu fashil ku dhammaaday Shirka Madasha heerka qaran ee ka socday Magaalada Muqdisho.
War maanta uu siiyay warbaahinta afhayeenka maamulka puntland Cabdulahi Maxamed Jaamac Quraan jecel ayuu ku sheegay inuu hakad ku yimid shirka madasha wada-tashiga qaran ee lagu go’aaminayay nuuca doorasho ee sanadan 2016 ka qabsami doonta dalka.
Afhayeenka ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu go’aan iskiis ah gaaray islamarkaana aysan ku qanacsaneyn go’aankaas madaxda maamul goboleedyada ee shirka ka qeybgalaya.
Waxaa kale uu sheegay afhayeenku in Puntland marnaba ka tanaasuli doonin mawqifkooda ku aadan in hab deegaan lagu saleeyo doorashada 2016
Illaa hadda ma jiro go’aan mideysan oo laga gaaray shirka madasha wada-tashiga qaran ee maalmahaan ka socda magaalada Muqdisho.
Goobjoog News