U bood dhigaalka

Maamulka Puntland ayaa sheegtay inay waddo howlgallo ay kula dagaallamayso Xarakada Al-shabaab iyo Daacish.

Sheeko:Dalka

Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog ku sheegay in howlgallada lagula dirirayo waxa loogu yeero argagixisada ay.

Waxaa uu tilmaamay in meel 85 KM u jirta caasimadda Putland ee Garoowe laga soo qabtay dhowr iyo toban nin kuwaas oo hadda uu sheegay inay baaris ku socoto.

Waxaa uu sheegay in dhowaan isbedal lagu sameeyay saraakiisha joogta koontaroollada guullo laga gaaray oo la qabqabtay dad badan oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, wuxuuna wasiirku digniin u diray saraakiisha kontaroollada Puntland laga galo joogta.

“Annaga argagaxisada waan la dagaallameynaa, waxaan wadnaa howlgallo ballaaran oo aan argagaxisada kula dirireyno, amniga Puntland aad buu u wanaagsan yahay, waxaa la qabtay rag badan oo lala xiriirnayo Al-shabaab, baaris ayaana ku socota” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Puntland uu howlgallo ka wado buuralayda Galgala islamarkaana dhowaan ay qorsheynayaan in buurahaasi ay ka saaraan dagaallamayaal hubeysan oo dhowr barood oo buuraha Galgala ah fariisimo ku leh.

Goobjoog News