U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas ku nool Nugaal

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa maanta biyo dhaamin u sameeyay qoysaskii ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolka Nugaal.

Waxaa lagu soo waramayaa in maanta deegaanada miyiga ah ee Gobolka Nugaal ay tageen xubno ka mid ah madaxda maamulka Puntland oo uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeeenka maamulkaasi kuwaasi oo ka mid ahaa wafdi dhowr qeybood ah oo ka qeyb galayay biyo dhaaminta loo sameynayo shacabka ay abaaruhu saameeyeen ee dagan gobolkaas.

Deegaanada ay dhibaatooyinka ugu badan ka jiraan ayaa lagu soo waramayaa in la gaarsiiyay xoolo nool oo loogu tala galay in lagu qeybiyo halkaasi.

Deeqdan ayaa laga soo uruuriyay ganacsatada magaalada Garoowe waxaana hormuud u ahaa deeq uruurinta culimaa’udiinka maamulka Puntland