Maamulka Puntland Oo Digniin u Diray Ganacsatada Wax Kala Soo Degtay Garoomada Diyaaradaha Galmudug

Maamulka Puntland ayaa sheegay in tallaab adag ay ka qaadi doonaan cid walba oo ganacsi kala soo degta deegaanada uu ka taliyo maamulka Galmudug, gaar ahaan garoomada Magaalada Cadaado iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Shalay ayaa ganacsade Qaad kala soo degay garooonka Galmudug ee Gaalkacyo waxaa lagu qabtay degmada Burtinle oo ka tirsan deegaanada Puntland, iyadoo qaadkaasi la gubay.

Cumar Faraweyne oo ah gudoomiyaha degmada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa mar uu la hadlay saxaafadda waxa uu sheegay inaysan u dulqaadan doonin ganacsi walba oo kasoo gala dhanka Galmudug, islamarkaana la gubi doono wax walba oo dhankaasi ka yimaada.

Ganacsadihii waday qaadkaan ayaa lagu ganaaxay lacag dhan Kun Doolar, waxaana gudoomiye Faraweyne sheegay in la doonayo ganacsiga Puntland in la carqaladeeyo.

Puntland waxay aad u diidan tahay garoon diyaaradeed dhawaan laga hirgeliyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW