U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay Dilka Loo Geeystay Wariye Jamaal Faarax Aadan

Sheeko:Amniga
Allah U naxariisto waxaa xalay Magaalada Galkacyo lagu dilay Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa Ruug cadaayayaasha Saxaafadeed ee  Muddada Dheer kasoo shaqeeyay warbaahinta Soomaalida .
Madaxweeynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wariye Jamal isagoo amray hay’adaha Amniga ee Puntland in la soo qabto Kooxii ka danbeeyay Dilka Wariye Jamaal Faarax Aadan .

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxooyada Puntland ayaa waxaa marka hore Tacsi loogu diray  Ehellada iyo Saaxiibadii uu ka baxay  Alle ha u Naxariistee Wariye Jamaal Faarax , iyad aoo alle looga baryay in uu Janadii Fardwso ka waraabiyo.

Deni ayaa sidoo kale Qoraalka ka soo baxay Xafiiskiisa waxaa lagu amray hay’adaha Ammaanka Gobalka Mudug in la soo qabto kooxi ku lugta lahaa AUN dilka Wariye Jamaal Faarax Aadan .

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxooyada Puntland.

Anigoo ku hadlaaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Puntland, waxaan tiraanyada la wadaagayaa bahda warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland oo uu caawa ka baxay Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Jamaal Faarax Aadan.

Jamaal waxa uu ahaa weriye ruug caddaa ah oo wadanka kasoo shaqeeyey muddo dheer, wuxuu ahaa weriyeyaashii tirada yaraa ee kasoo shaqeeyay dhismaha Puntland, isagoo tebinayay Shirarkii lagu dhisay Dowladda Puntland. Wuxuu waayadan dambe waday baraarujin dadweyne oo uu dadka ku wacyi-gelinaayey in meel looga soo wada-jeesto argagixisada iyo cidkasta oo ah cadowga Puntland.

Waxaan si adag u cambaaraynayaa falkaasi wuxuushnimada ah ee lagu diley marxuumka, waxaan farayaa laamaha Amniga gobolka Mudug in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo cadawga falkani geystay.

Rabbi ayaan u waydiinayaa naxariistiisa Janno. Samir iyo iimaan dhammaan shacabka Puntland, bahda warbaahinta, eheladi, qaraabadi, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Jamaal Faarax Aadan.

Sikastaba Wariye Jamaal Faarax Aadan  ayaa horay u soo noqday  wariyihii Gaarka ahaa ee madaxweynihii hore ee somalia Cabdulaahi yuusuf axmed.