U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo ka hadlay muranka kala dhaxeeya Galmudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay muranka u dhaxeeya iyaga iyo Galmudug ee  ku saabsan duulimaadyada garoonka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka duulista hawada maamulka Puntland Xasan Cadde ayaa sheegay in tani ay ka dambeysay sida uu yiri dhisamaha garoonka Gaalkacyo ee Galmudug oo aan waafaqsanayn sharciyada dhismaha garoomada.

Wasiirka waxa uu sheegay in sharci ahayn isku dhawaanshaha labada garoon ee Gaalkacyo marka loo eego buu yiri masaafada ay isku jiraan.

Madaxwaynaha maamulka Galmudug ayaa qoraal cabasho ah u diray dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeynayo Puntland in ay daandaansi ka wado magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka dhageyso codka Wasiirka duulista hawada maamulka Puntland Xasan Cadde: